Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Xildhibaanka Kimilili oo lagu siidaayay 100,000 oo damiin lacageed ah

Xildhibaanka Kimilili oo lagu siidaayay 100,000 oo damiin lacageed ah

Mudanaha laga soo doortay deegaanka Kimilili ee ismaamulka Bungoma Didmus Wekesa Barasa ayay maanta maxkamad ku siidaysay damiin lacageed oo dhan 100,000 oo shilin.
Waxaa uu ka soo hormuuqday maxkamadda Kimilili iyadoo ay dacwadda ka dhanka ah dhageysatay garsoore Gladys Adhiambo.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid ka dib markii siyaasigan uu iska fogeeyay eedeyn loo jeediyay oo ahayd inuu dhibaateeyay mid ka mid ah qandaraaslayaasha Bungoma.
Jimcihii ayuu Didmus ka soo dhex muuqday muuqaal lagu faafiyay baraha bulshada isagoo dharbaaxaya qandaraasle horay u ahaa heesaa oo lagu magacaabo Stephen Masinde.
Dhibaatadaasi ayuu gaystay xilli uu ku sugnaa dugsiga hoose dhexe ee Lurare oo uu qorshuhu ahaa inuu xariga kaga jaro fasallo lagu dhisay dhaqaalaha horumarinta deegaanka ee CDF-ta.
Xadgudubka lagu eedeyay mudanaha ayaa ka dambeeyay muran dhex maray isaga iyo qandaraaslaha oo diiday inuu furo fasallada isagoo dalbaday in la siiyo lacag dhan 3.4 milyan oo shilin oo kaga baxday dhismaha.
Mr. Barasa ayaa saaka laga qabtay gurigiisa oo ku yaalla tuulada Nasianda waxaana la geeyay saldhigga booliska ee Kimilili sida uu warbaahinta u xaqiijiyay taliyaha booliska ee deegaankaasi Mwita Marwa .
27-ka bisha sagalaad ee sanadkan ayaa la dhageysan doonaa kiiska uu wajahaya xildhibaan Didmus Barasa.
Qareenka u doodaya dhibanaha oo lagu magacaabo Brian Khaemba ayaa dhankiisa sheegay inay cadaalad dalbanayaan.
Waxaa uu dhanka kale ciidamada booliska ku ammaanay inay si degdeg ah gacanta ugu dhigeen xildhibaanka eedeysan.
Hasa ahaate siyaasigan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in lagu hayo bartilmaameedsi aan niyad sami laga lahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments