Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ururrada KNUT iyo KUPPET oo wacad ku maray inay macallimiinta ka saarayaan...

Ururrada KNUT iyo KUPPET oo wacad ku maray inay macallimiinta ka saarayaan galbeedka Laikipia

Ururrada macallimiinta dalka ee KNUT iyo KUPPET ayaa sheegay inay barayaasha xubnaha ka ah ka saari doonaan dugsiyada ku yaalla deegaanka galbeedka ismaamulka Laikipia.
Tani ayaa timid ka dib markii halkaasi ay burcad weerarro ka gaysatay taasoo keentay inay goobaha waxbarashada iskaga tagaan kumanaan isugu jiro arday iyo macallimiin.
Meelaha ay amni darrada ka jirto waxaa ka mid ah deegaanada hoose ee Ol Moran, Githiga iyo Sossian oo ay maalmihii u dambeeyay ka socdeen iskudhacyo u dhexeya xoolo dhaqatada iyo beeralayda.
Maalinkii Sabtida ayaa mid ka mid ah saraakiisha sida gaarka ah u tababaran ee GSU-da iyo qof shacab ah lagu dilay Laikipia.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matalo Laikipia Daniel Nyameti ayaa sheegay in toddobaadkan gudihiisa la howlgelin doono ciidamo dheeraad ah si ay amniga u sugaan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments