Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gideon Moi oo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax madaxweyne ee dalka

Gideon Moi oo ku dhawaaqay inuu yahay musharrax madaxweyne ee dalka

Madaxa xisbiga KANU ahna senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi ayaa ku dhawaaqay inuu isu soo sharraxayo hoggaanka ugu sarreyo dalka ee doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Waxaa uu ballanqaaday inuu olole xooggan gali doono si jagada ugu sarreyso uu kala wareego madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta.
Waxaa ay ku dhawaaqiistiisa ku soo aadeysa ka dib markii xildhibaanka laga soo doortay waqooyiga Baringo William Cheptumo oo ku boorriyay senetarka ismaamulkaasi inuu caddeeyo mowqifkiisa ku aadan u tartamida xilka madaxweyninimo islamarkaana uu aamusnaanta ka baxo.
Hadalka Mr Gideon ayaa ku soo aadayaa iyadoo xubnaha ay kawada tirsan One Kenya Alliance, oo KANU xubin ka tahay oo ay kala ah Moses Wetangula, Musalia Mudavadi, iyo Kalonzo Musyoka, ay ayagana u hanqal taagayaan jagada ugu sarreysa dalka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments