Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo beeniyay in dowladdiisa ay garab siiso Taliban

Ra’iisul wasaaraha Pakistan oo beeniyay in dowladdiisa ay garab siiso Taliban

Ra’iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa beeniyay wararka sheegaya in ciidamada Pakistaan ay ka gudbeen xadka Afghanistan si ay uga garab u siiyaan kooxda Taliban uu dagaalka kula jirto dowladda Afghanistan.
Mr Khan ayaa sheegay in Pakistan ay soo gaadhay dhibaato aad u baaxad weyn intii lagu guda jiray dagaalkii dheeraa ee Maraykanka oo ka fulinyay Afghanistan.
Waxaa uu dhanka kale sheegay in dowladdiisa aysan u ogolaan doonin in Mareykanka uu saldhigyo ka sameysto gudaha Pakistan si ay u qabtaan howlaha sirdoonka ama ay u fuliyaan howlgalo ka dhan ah kooxda Taliban.
Khan ayaa sheegay in Pakistan ay ku riixday Taliban inay kala xaajoota Mareykanka soo afjaridacolaadda Afghanistan.
Waxaa uu intaaa ku daray in natiijada ugu wanaagsan ee siyaasada Afghanistan ay tahay dowlad loo dhan yahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments