Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Gabadh ka soo dhacday dhisme ku yaalla Kisumu

Gabadh ka soo dhacday dhisme ku yaalla Kisumu

Waxay murugo soo foodsaartay mid ka mid ah qoysaska ku nool ismaamulka Kisumu ka dib markii gabadhooda oo 2 sano jir ah ay ka soo dhacday balkooniga dabaqa afaraad ee dhisme ay deggan yihiin.
Taliyaha booliska ee dowlad deegaanka Kisumu Samuel Anampiu ayaa dhacdadan xaqiijiyay.
Waxaa uu sheegay in dhismahaasi uu ku yaalla xaafadda Tom Mboya ee Kisumu.
Wararka ayaa intaa ku daraya in gabadha oo uu dhaawac ka soo gaaray dhanka madaxa loola cararay isbitaalka si loo daweeyo balse ay ugu dambeyn geeriyootay maadaama ay xaaladeeda caafimaad liidatay.
Waxaa hadda la guda galay baaritaano ku aaddan dhacdadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments