Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Doorashada ku celiska deegaanka hoose ee Ceeldaas oo dhacaysa bisha 10-aad

Doorashada ku celiska deegaanka hoose ee Ceeldaas oo dhacaysa bisha 10-aad

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa qorsheynaya in 14-ka bisha Tobnaad ee sanadkan ay doorashooyin ku celis ah ka dhacaan deegaannada hoose ee kala ah Ceeldaas oo ka tirsan (Wajeer), Kiagu(Meru) iyo Nguu/Masumba oo hoos tagto Makueni.
Codeynta ku celiska ah ayaa ku soo beegmaysa ka dib geeridii ku timid wakiillada kala ah Ibraahim Cabbaas, Eunice Kirimi iyo Harrison Ngui.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa siyaasiyiinta doonaya inay jagooyinkan buuxiyaan ku wargeliyay inay codsiyadooda diraan ka hor ama ugu dambeyn 4-ta bisha sideedaad ee sanadkan.
Chebukati ayaa sidoo kale sheegay in sarkaal dowladeed hadii uu doonayo inuu tartanka ka qayb galo looga baahan yahay inuu iska casilo xilka uu hayo.
Ololaha siyaasadeed ee doorashooyinkan ku celiska ah ayaa socon doono 25-ka bisha sideedaad ilaa 11-ka bisha Tobnaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments