AL-shabaab iyo Milatariga Soomaaliya oo ku dagaalamay Jubada hoose

0
433

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo deegaano ka tirsan Gobolka Jubbada Hoose ku dhex-maray Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM & Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii sida la sheegay Xubnaha Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo Ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaannada Hoosingoow iyo Cabdalla Biroole oo katirsan Jubbada Hoose
Dadka degankuna waxay sheegeen inuu jiro khasaare dagaalka kasoo gaaray labada dhinac iyo dad rayid ah.
Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaannada lagu dagaalamay ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaaqyo Ciidan maadaama Saldhigyad ay ku sugan yihiin la weeraray.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here