Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Sarkaal boolis ah oo isku dilay Kirinyaga

Sarkaal boolis ah oo isku dilay Kirinyaga

Sarkaal boolis ah oo ka howl galayay gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi ayaa lagu soo warramayaa inuu isku daldalay gurigiisa oo ku yaalla Kagio ee ismaamulka Kirinyaga.
Taliyaha booliska ee deegaaanka galbeedka Mwea ee ismaamulkaasi Stephen Okal oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in sarkaalka oo lagu magacabi jiray Donfan Wanyaga uu isku dilay gudaha gurigiisa.
Mid ka mid dadka deegaanka islamarkaana ah bare dugsi hoose dhexe ayaa sheegay in sarkaalka iyo isaga ay saaxiibo dhow ahaayeen.
Waxaa uu intaa ku daray inay soo wacday xaaska sarkaalka islamarkaana ay u sheegtay inuu is dilay .
Sida laga soo xigtay xubnaha qoyska gaar ahaan sodohdiisa ayaa sheegtay in ka hor inta uusan sarkaalka is khaarijin uu qoray warqad uu kaga codsanayo xaaskiisa inay siiso taleefankiisa gacanta wiilka u dhalay.
Meydka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Kibugi islamarkana baaritaano lagu sameyn doonaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments