Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Gaari ay Al-Shabaab qarax ka buuxiyeen oo isla ayagii ku qarxay

Gaari ay Al-Shabaab qarax ka buuxiyeen oo isla ayagii ku qarxay

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ka hadlay Gaari la sheegay in laga soo buuxiyay Walxaha qarxa,oo ku qarxay deegaanka Coomaad ee Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye ku xigeenka Amniga Gobolka Hiiraan Axmed Cismaan inji ayaa tilmaamay in Gaariga laga soo buuxiyay Walxaha qarax uu Raggii Watay ku qaraxay isla degaankii laga soo abaabulay.
Sidookale waxaa uu sheegay Guddoomiyaha in Gaarigaan qarxay ay AL-Shabaab ku soo rareen qaraxyada, ay u wadeen deegaanada ay la wareegeen Saacadahii ugu dambeeyay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Hir-Shabeelle islamarkaana uu ku qarxay isla shabaabkii watay.
Gudoomiye Kuxigeenka Amniga Gobolka Hiiraan ayaa intaasi ku daray in khasaare xoogan uu qaraxaasi gaarsiiyay xubnihii Al-Shabaab ee Gaariga Watay.
Ugu dambeyn Wuxuu Xaqiijiyay inuu sii socon doono howlgalada Ciidamada ay ka wadaan degaanada u dhaxeyo Magaalooyinka Matabaan iyo Beled-weyne ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments