Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Nuurdiin Xaaji oo ku baaqay in laga midoobo la dagaalanka musuqmaasuqa

Nuurdiin Xaaji oo ku baaqay in laga midoobo la dagaalanka musuqmaasuqa

Agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa maamullada kala duwan ee dowladda ku boorriyay inay hal meel ah uga soo wada jeestaan falalka lagu lunsado kheyraadka dadweynaha.
Waxaa uu sheegay in horumarka wadanka uu yahay mid ku saleysan in si buuxda la iskaga kaashado ilaalinta hantida qaranka.
Mr. Xaaji ayaa soo jeediyay in dadaallada ka dhanka ah musuqmaasuqa ay noqdaan kuwo sida habboon la iskugu dubariday.
Agaasimaha ayaa hay’adaha dambi baarista ka codsaday inay ku shaqeyaan qaab ku saleysan dadaal, cadaalad, dhexdhexaadnimo , isla xisaabtan iyo u hoggaansanka nidaamka kala dambeynta.
Mr. Xaaji waxaa uu sheegay in ay diiradda saarayaan xoojinta wada shaqeynta kala dhexeysa maamullada kale , dib u soo celinta hantida la dhacay , adeegsiga siyaabaha casriga ee lagu qiimeeyo macluumaadka kub saabsan falal dambiyeedyada iyo sare u qaadidda aqoonta howlwadeenada waaxda uu hoggaamiyo.
Sidoo kale waxaa uu xusay in istaraatiijiyadda la adeegsan doono ay tahay tallaabooyinka looga hor tago dembiyada , in si wadajir ah loo fuliyo xeerarka iyo arrimaha dacwad oogidda gaar ahaan kuwa la xiriira musuqmaasuqa iyo dembiyada dhaqaale sidoo kalena uu jiro nidaam lagu wadaagi karo xogaha muhiimka ah.
Nuurdiin Xaaji, agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka ayaa cid kasta oo u hoggaansamaysa xeerarka dalka u degsan u xaqiijiyay in wax ahaan ay garab taagan yihiin oo aan lagu xadgudbi doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments