Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Nin ka tirsan Al-Shabab oo isku soo dhiibay booliska Gobolka Gedo

Nin ka tirsan Al-Shabab oo isku soo dhiibay booliska Gobolka Gedo

Taliska Ciidamada Booliska degmada Garbahaareey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa Maanta soo bandhigay xubin ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kaas oo ay sheegeen in uu isku soo dhiibay Cidamada Booliska degmada.
Ninkan oo lagu Magacaabo Cabdirisaaq Cabdullaahi Maxamud Oo Magaciisa Afgarashada Yahay (Xudeyfa) ayaa waxaa la sheegay in muddo lix sano ah uu ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana uu kasoo Shaqeeyay degaano dhowr ah.
Taliska Booliska degmada Garbahaareey ayaa waxaa ay sheegeen in ay soo dhaweeyeen Ninkaan kasoo tegay Al-Shabaab, isla markaana ay ku wareejin doonaan laamaha kale ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Booliska ayaa ugu baaqay xubnaha kale ee weli ka tirsan Al-Shabaab inay isaga soo tagaan ayna ka mid noqdaan dadkooda kana faa’iideyst aan cafiska Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.
Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa siyaabo kala duwan waxaa ay u soo bandhigaan rag uu midba midka kale ku sheego in uu isku soo dhiibay, kana soo tegay dadkii uu la Shaqeeynayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments