Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Qoysaska darbi jiifka ee Nairobi oo baaq u diray dowladda

Qoysaska darbi jiifka ee Nairobi oo baaq u diray dowladda

Qoysaska darbi jiifka ee ku nool waddooyinka caasimadda dalka ee Nairobi ayaa ugu baaqay dowladda inay si dhab ah ula tacaasho xaaladooda ka dib dhimashadii saddex ka mid ah asxaabtooda.
Waxaa ay sheegeen inay u geeriyoodeen sababo la xiriira gaajo iyo daryeel caafimaad la’aan.
Waxaa ay ku eedeeyeen sanduuqa taakuleynta ee qoysaska darbi jiifka inuu ku guuldareystay ilaalinta danahooda xitaa maadaama ay ku nool yihiin xaalado aad u xun.
Guddoomiyaha dalladda qoysaska waddooyinka ku nool ee Nairobi Peter Ndiboe ayaa sheegay in loo baahan yahay in dowladda ay ka fiirsato daryeelka caafimaad ay fidineyso maadama nolosha oo dhami muhiim tahay oo aan midna la takoori Karin.
Waxaa uu sheegay in qoysaska waddooyinka ku nool ay yihiin aadane la mid ah dadyowga kale islamarkaana ay u baahan yihiin inay helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan sida kenyaanka kale.
Waxaa uu xusay inay u nugul yihiin cudurro kala duwan oo loo aaneynayo qaab nololeedkooda.
Guddoomiyaha dalladda qoysaska waddooyinka ku nool ee Nairobi ayaa sidoo kale sheegay inay u baahan yihiin cunno, gaar ahaan wakhtigan adag uu dalka ka jira cudurka Covid-19 oo ay adagtahay inay wax ay cuunaan helaan.
Qoysaska dariiqyada ayaa dhanka kale doonaya in dowladda ay siiso dukumiintiyada aqoonsiga, iyagoo sheegaya inay sidoo kale yihiin muwaadiniin, islamarkaana la siiyo helitaanka kaararka aqoonsiga qaran sida ID-kaarka, shahaadooyinka dhalashada iyo kaararka Huduma Namba.
Daraasad ay sameysay waaxda Ilaalinta bulshada ee Nairobi ayaa lagu sheegay in tirada qoysaska dariiqyada ku nool ee caasimadda ay waxyar ka badan yihiin 10,000, balse dallada qoysaska darbi jiifka ayaa sheegay in gaarayaan qiyaastii 60,000.
Dhanka kale xoghayaha guud ee dalladda qoysaska darbi jiifka ee Nairobi Fatuma Shahenza ayaa ku boorrisay dowladda inay qoysaska dariiqyada siiso waxbarasho bilaash ah sidoo kalena ay awood siiso iyadoo la barayo xirfado ka caawin doona inay ka qayb qaataan horumarka dalka.
Waxaa ay sharraxday in qoysaska dariiqyada ay leeyihiin hibbooyin kala duwan oo lagu kobcin karo horumarkooda islamarkaana lagu xoojin karo xirfadooda.
Waxaa ay intaa ku dartay in badankood ay is daryeeli kara sidoo kalena fursado u abuuri karaan kuwa kale, si loo yareeyo yareynta shaqo la’aanta ee dalka ka jirta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments