Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Koonfur Galbeed oo magacowday guddiga doorashada ee aqalka sare

Koonfur Galbeed oo magacowday guddiga doorashada ee aqalka sare

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Dr Cali Saciid Faqi ayaa Maanta Magacabey Xubnaha Xildhibaanada Golaha Wakiilada ee Qabashada Doorashada Aqalka Sare.
Xubnaha Guddiga oo ka kooban 11 Xubnood ayaa waxaa ay iska dhex dooran doonaan Guddoon, iyaga oo ka Shaqeyn doona sidii Xildhibaannada Golaha Wakiilada Koonfur Galbeed ay u dooran lahaayeen Xildhibaannada Aqalka Sare oo degaan doorashadoodu tahay Maamulka Koonfur Galbeed.
Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqday Maamulkii labaad ee Magacaaba Guddiga Xildhibaannada ee doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare, iyada oo ay horay u Magacaabeen Maamulka Jubbaland.
Maanta oo ku beegan 25/72021 ayaa qorshuhu ahaa inay bilaabato doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare balse ay dib u dhacday sababo la xiriira dowlad Goboleedyada oo aan badi dhameystirin habraacii loo qaban lahaa doorashada Xildhibaannada Aqalka Sare.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments