Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Kenya oo laga xaqiijiyay 664 ah xaaladaha cusub ee COVID19

Kenya oo laga xaqiijiyay 664 ah xaaladaha cusub ee COVID19

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa maanta shaacisay in 664 qof oo hor leh uu gudaha wadanka ku haleelay cudurka COVID19.
Tani ayaa timid ka dib markii caabuqa corona laga baaray dheecaan dhan 5,432.
Tirada guud ee xaaladaha cudurka ee Kenya ayaa hadda ah 197,409 .
Dadka ugu dambeeyay ee cudurka laga helay 378 ka mid ah waa rag halka 286 ay haween yihiin.
Waxay da’doodu u dhexeysa canug dhallan saddex bilood iyo 98 sano jir.
31 ayaa ajaaniib ah halka inta kale ay Kenyaan yihiin.
Xaaladaha cusub ee maanta ayaa laga kala xaqiijiyay ismaamulladda Nairobi 280, Kiambu 82, Uasin Gishu 66, Nyeri 46, Mombasa 26, Nakuru 17, Naindi 13, Machakos 10, Muranga 9, Kajiado 6, Busia iyo Siaya min 5 xaaladood ,Kisumu 4, Embu, Kitui, Laikipia, Garissa iyo Nyandarua min saddex xaaladood ,Kakamega, Kericho, Meru iyo Taita Taveta min labo kiis oo cusub Tana River, Trans Nzoia, Baringo, Kisii, Bomet iyo Elegeyo Marakwet min hal xaalad ah.
Dhimashada guud ee ka dhalatay COVID19 ee Kenya ayaa gaartay 3,865 ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay uu cudurku galaaftay nolosha 16.
Bogsashada guud ayaa hadda ah 185,808 ka dib markii ay caafimaadeen 201 bukaan oo dheeraad ah.

Waxaa hadda COVID19 qabo oo isbitaallada kala duwan ee dalka ku jiro 1,281 bukaan iyadoo 3,683 lagu daryeelaya guriyaha.
Qaybaha daryeelka degdegga ee ICU-da waxaa lagu dabiibayaa 170 bukaan.
Dhanka kale ilaa iyo maanta waxaa gudaha Kenya laga bixiyay tallaal dhan 1,672,687 .
Wajigii koowaad ee tallaalka waxaa qaatay 1,047,355 halka 625,332 qof ay heleen wajiga labaad ee tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID19.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments