Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo diiradda saaraya sidii uu uga guulaysan lahaa Ruto

DHAGEYSO:Kalonzo Musyoka oo diiradda saaraya sidii uu uga guulaysan lahaa Ruto

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu mudnaanta koowaad siinaya sidii uu sanadka 2022-ka uga guulaysan lahaa madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Labadan siyaasi ayaa ka mid ah shakhsiyaadka doonaya inay qabtaan hoggaanka wadanka.
Xilli uu ku sugnaa ismaamulka Makueni ayuu carrabka ku dhuftay inuu si buuxda ugu diyaar garoobay ka qayb qaadashada loolanka siyaasadeed ee sanadka soo socdo.
Waxaa uu sheegay in cid kasta oo musharaxiinta ka mid ah ay xor u tahay inay guud ahaan wadanka ka sameyso ololaheeda .
Sidoo kale waxaa uu dhaliilay xeeladda siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka wadanka oo uu ku sheegay mid fulinteedu aynan macquul ahayn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments