Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Dowladda oo soo saartay digniin ku saabsan abaarta

Dowladda oo soo saartay digniin ku saabsan abaarta

Dowladda dhexe ayaa shaacisay in inta u dhexeysa bisha sideedaad ilaa 12-aad ee sanadkan laga cabsi qabo in dalka ay saameeyaan abaaro.
Tani ayaa timid ka dib markii maamulka qaran ee maareynta abaaraha ee (NDMA) uu sheegay in roobabku ay yaryihiin.
Wasiirka wasaaradda dowlad wadaajinta Mr. Eugene Wamalwa ayaa dhankiisa sheegay in maamulka Jubilee uu dejiyay qorshayaal lagu caawinaya qoysaska dhibaatooyinka u nugul.
Waxaa uu xusay in ismaamullada dalka ee ay abaartu saameysay ay horay ahaayeen sideed balse ay hadda yihiin toban.
Mr. Wamalwa ayaa carrabka ku dhuftay inuu jiro walaac ah in tiradan ay sare u sii kacdo.
Ismaamullada ay abaartu sida aadka ah u saameysay ayuu wasiirku ku sheegay Garissa, Isiolo, Kilifi, Mandera, Samburu, Tana River, Wajeer, Lamu, Marsabit iyo Turkana.
Waxaa uu intaa ku daray in hay’adda cunnada iyo beeraha ee FAO ay 1.5 bilyan oo shilin ku deeqayso halka midowga yurub uu ballanqaaday 500 oo milyan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in heer sare uu maraya dhismaha biyo xireeno laga hirgelinaya dowlad deegaanada galbeedka Pokot, Turkana iyo Marsabit si loo xalliyo caqabadaha dhanka biyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments