Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Mas’uuliyiintii gobolka Gedo oo maanta si nabad ah uga dhoofay Garoonka...

DHAGEYSO:Mas’uuliyiintii gobolka Gedo oo maanta si nabad ah uga dhoofay Garoonka Aadan Cadde

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed oo uu weheliyo taliyaha saldhigga garoonka Aadan Cadde ayaa sagootiyay Cismaan Nuur Xaaji Mucalimu, oo ahaa guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo maanta gelinkii dambe ka dhoofay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Cismaan Nuur Xaaji Mucalimuu oo warbaahinta garoonka kula hadlay ayaa ammaan iyo mahadnaq u jeediyay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu ku ammaanay tallaabooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay qaaday gaar ahaan ka miro dhalinta hirgelinta doorashooyinka Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay inuu dhaqan galay amar ka soo baxay ra’iisul wasaaraha oo aynan wax dhibaato ah ka jirin garoonka Aadan Cadde.

Cismaan Nuur Mucalimuu guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo ayaa dhowaan laga celiyay inuu ka dhoofo garoonka taasi oo keentay in Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu xilalkii ka qaado taliyaha nabad sugidda garoonka iyo agaasimaha shaqaalaha hay’adda nabadsugidda Qaranka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments