Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Booliska Soomaaliya oo afhayeen cusub loo magacaabay

Booliska Soomaaliya oo afhayeen cusub loo magacaabay

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa isbeddel ku sameeyey Afhayeenkii Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliye Xijaar ayaa afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed U magacaabay Gashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan oo ka mid ahaa Saraakiisha firfircoon ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed sidoo kalena ahaa ku Simaha Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya.
Gashaanle C/Fitaax Aadan Xasan ayaa waxa uu bedelayaa Col Sadiiq Aadan Cali (Doodisho) oo horay u ahaa Afhayeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Afhayeenka Cusub ee Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan oo ah Sarkaal Dhalinyaro ah ayaa haDda kadib ka warbixin doonaa Shaqooyinka ay qabtaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo ay kamid yihiin howlgallada ay Ciidamadu Fuliyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments