Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ruto:Xariga Gachagua waa mid siyaasadeysan

Ruto:Xariga Gachagua waa mid siyaasadeysan

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa ku andacoonaya in xariga mudanaha deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri, Rigathi Gachagua uu yahay mid siyaasadeysan.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ayuu ku sheegay in cadaadiska lagu haya siyaasiyiinta xulafada la ah uu soo afjarmi doono dhawaan, taas oo uu ulajeeda in sanadka 2022-ka uu noqon doono madaxweyne xiga ee dalka.
Hadalka ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa imaanaya saacado uun ka dib markii ciidamo dhan 20 ay mudanaha deegaanka Mathira ee ismaamulka Nyeri qabteen.
Xarigiisa ayaa sababay in dhallinyaro badan oo taageerayaashiisa ay xireen qaybo ka mid ah wadada weyn ee xiriirisa ismaamullada Nyeri iyo Nairobi.
Waxaa horay loogu eedeyay lunsashada kheyraadka dadweynaha iyo in ballaayiin shilin oo la rumeysan yahay in lagu helay qaab qandaraas ah lagu diray akoontiyadiisa bangiyeed.
Mr.Gachagua oo sidoo kale la xiray sanadkii hore ayaa dhankiisa ku adkeysanaya in lagu hayo bartilmaameedsi siyaasadeed maadama ay aad isugu dhow yihiin madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto.
Waxaa uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu faahfaahiyo sida uu ku helay lacagaha shakiga la geliyay.
Gachagua ayaa lagu heyn doona saldhigga booliska Gigiri ee Nairobi oo u ku jiraya ilaa Isniinta 26-ka bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments