Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda sare ee dalka oo joojisay in uruka LSK uu soo magacaabo...

Maxkamadda sare ee dalka oo joojisay in uruka LSK uu soo magacaabo madaxa fulinta oo cusub

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ayaa joojisay in ururka qareenada dalka (LSK) oo qoro maamul cusub ilaa inta laga dhageysanayo islamarkaana go’aan laga gaarayo dacwad ay gudbisay madaxii fulinta ururkan ee shaqada laga ceyriyay Mercy Wambua.
Garsooraha maxkamadda sare Maureen Odero ayaa sheegtay in LSK aysan magacaabi karin madax fulinta oo cusub ilaa laga dhageysanayo dacwadda ay Wambua gudbisay oo kaga soo horjeedo go’aankii xilka looga qaaday.
Madaxa fulinta ee LSK ayaa sugaysa amarka maxkamadda ee ka hor istaagaya in xafiiska laga saaro.
Mrs. Wambua ayaa sheegtay inuu ku xadgudbay madaxda ururka qareenada dalka Nelson Havi ka dib markii ay isku khilafeen kulan lagu waday inuu qabsoomo.
Havi ayaa la qabtay oo su’aalo la weydiiday 23-kii bishaan ka hor intaan lagu sii deyn damiin lacageed oo dhan 10 kun oo shilinka dalka ah.
Dacwaddan ayaa markale la dhageysan doono 29-ka bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments