Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Shacabka oo looga digay shirqool baabuur looga iibinaya

Shacabka oo looga digay shirqool baabuur looga iibinaya

Waaxda dambi baarista dalka ayaa dadweynaha uga digtay in aynan u nuglaan qorsho xeeladaysan oo looga dhaadhicinaya inay baabuur iibsadaan.
Arrintan ayaa lagu tilmaamay mid cusub oo ku soo korortay noocyada falal dambiyeedyada.
Waaxda ayaa xustay in la bartilmaameedsanaya dadka aan qorshahan ka shakin iyadoo gaariga laga kireynaya burcad sheegaya inay yihiin macaamiil daacad ah oo ugu dambeyn beddelaysa dokumeentiyada baabuurka .
Marka isbeddelkan la sameeyo burcadda ayaa iska dhigaysa mulkiilaha rasmiga ee baabuurka si cidda macaamiisha u noqonaysa aynan ugu fududaan inuu galo shaki ah in wax la farsameeyay.
Waxaa xigaya in la xayaysiiyo in baabuurkaasi uu iib yahay kadibna waa la sii gadayaa.
DCI ayaa xustay in marka qofka gaariga laga iibiyay uu dalbado in magaciisa lagu wareejiyo buugga loo yaqaano Logbook ka dib uu ogaanaya in la khiyaanay halkaasi oo uu hanti ku luminaya.
Waaxda waxay intaasi ku dartay in horay baraheeda bulshada loogu soo gudbiyay cabasho arrimahan ku aaddan gaar ahaan ismaamullada Murang’a iyo Kiambu.
Sidoo kale waxay sheegtay inay ku dadaalayso in la burburiyo qorshahan oo gacanta lagu soo dhigo shakhsiyaadka ku lugta leh.
DCI ayaa dadweynaha u soo jeedisay talo ah inay aad uga taxadaraan shakhsiyaadka aan lahayn goob rasmi ah oo loogu hagaagi karo maadaama ay qaarkood iibinayaan badeecooyin la soo xaday ama kontarabaan ah taasoo dhibanaha u horseedi karto in isagana dacwad lagu soo oogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments