Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ruto:Siyaasiyiinta uu tartanka naga dhexeyo ha ka tanasulaan aflagaadada

Ruto:Siyaasiyiinta uu tartanka naga dhexeyo ha ka tanasulaan aflagaadada

Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa siyaasiyiinta doonaya in ay sanadka 2022-ka kula tartamaan xilka madaxweynenimo u soo jeediyay inay diiradda saaraan qorshaha ay u hayaan Kenyaanka oo ay ka gudbaan aflagaadada.
Ruto ayaa xilli uu hooygiisa xaafadda Karen kulan kula qaatay hoggaamiyaasha ismaamulka Kirinyaga ee bartamaha dalka sheegay in Kenyaanka ay go’aamin doonaan cidda noqonaysa hoggaamiyaha xiga ee dalka.
Waxaa uu ku taliyay in xilliga lagu guda jiro ololaha doorashada la faahfaahiyo waxa garab kasta oo siyaasadeed uu ku soo kordhinaya horumarka wadanka.
Sidoo kale William Ruto ayaa beeniyay inuu laaluushay siyaasiyiinta ka soo jeedo gobolka bartamaha ee xulafada la ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments