Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya IEBC oo sheegtay inay si hufan u maareysay doorashadii Kiambaa

IEBC oo sheegtay inay si hufan u maareysay doorashadii Kiambaa

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada dalka ee IEBC ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeymaha loo jeediyay ee ah inuusan si cadaalad ah u maareyn doorashadii ku celiska ahayd ee deegaanka Kiambaa oo ka tirsan ismaamulka Kiambu.
Guddoomiyaha guddigan Mr. Wafula Chebukati ayaa dhaliisha kaga timid xisbiga talada haya ee Jubilee ku tilmaamay mid aan la xaqiijin karin oo niyad xumo ay ku dheehan tahay.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in guddigu uunan u eexan musharaxii xisbiga UDA John Njuguna Wanjiku ee ku soo baxay codeynta.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dhammaan doorashooyinkii ku celiska ahaa ee dhacay tan iyo sanadkii 2017-kii loo maamulay si sharci ah.
Mr. Chebukati ayaa xusay in cid kasta oo tabasho qabto ay xaq u leedahay inay maxkamadda dacwad gayso si loo qanciyo.
Waxaa uu intaa ku daray in eedeymaha loo jeedinaya guddigu aynan sawir fiican ka bixinayn u diyaar garowga doorashada guud ee sanadka 2022-ka.
Hadalka guddoomiyaha IEBC ayaa yimid ka dib markii guddiga qaran ee maamulo xisbiga Jubilee uu sheegay in Kariri Njama oo loolanka ku matalayay aan fursad buuxda oo uu ku guulaysan karo la siin in kastoo uu aad isugu kalsoona.
Doorashada ku celiska ahayd ee 15-kii bishan ka dhacday deegaankaas ayaa timid ka dib markii uu bishii saddexaad ee sanadkan geeriyooday Paul Koinange oo shacabka halkaasi ku nool ku matalayay baarlamaanka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments