Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Galmudug oo ka hadashay imtixaankii dugsiyada sare

Galmudug oo ka hadashay imtixaankii dugsiyada sare

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa war kasoo saaray Natiijadii imtixaanka dugsiga sare e Sanadkaan ay Dowladda Soomaaliya qaadday, shalayna la shaaciyay Natiijadii ka soo baxday.
Qoorqoor oo qoraal soo saaray ayaa soodhaweeyay Natiijada kasoo baxday Imtixaanka, oo uu sheegay in Ardayda degaanada Galmudug ay guul aad u weyn ka keeneen, isagoo si gaar ah u bogaadiyay Seddexda arday ee kasoo muuqday kaalimaha 1-aad, 3-aad iyo 10-aad ee Guud ahaan ardaydii imtixaanka galay dalka oo dhan.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa bogaadiyay 10-kii iskuul ee magacooda kasoo muuqday 30-ka iskuul ee Soomaaliya ugu wanaagsan imtixaanka Sanad Dugsiyaadkaan,Wuxuuna bogaadin iyo hambalyo udiray Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Maamulka Galmudug oo uu sheegay inay Juhdi iyo dadaal ku bixiyay in la xakameeyo tirada ardayda iyo tayada dugsiyada sare.
Hadalka Qoorqoor ayaa imaanaya, iyadoo shalay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya ay shaacisay Natiijada Imtixaanaadkii la qaaaday, Wuxuuna Maamulka Galmudug ahaa kii ugu wanaagsanaa Natiijadiii la shaaciyay, ayadoo ay ka hareen kaliya 2 arday oo ka mid ah 2,302 arday oo Imtixaanka Qaranka gashay,Jubaland waxaa gudbay 1,155 oo ka mid ah 1,158 Imtixaanka Sameeyay, waxaa haray kaliya saddex Arday, Maamulka HirShabelle waxaa ka haray 8, waxaana gudbay 1,619, halka Koonfur Galbeed ay gudbeen 3,539 ka mid ah 3,790 arday oo imtixaanka u fariistay.
Guud ahaan ardaydii Imtixaanka Dugsiyada Sare ee Soomaaliya u Fariistay Sanadkaan waxay ahaayeen 34 908 arday waxaan Gudbay 30262 arday aydoo ay Hareen 4646 arday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments