Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo sheegay in loo diiday inuu dhoofo

DHAGEYSO:Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo sheegay in loo diiday inuu dhoofo

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Haaji Macaliow ayaa sheegay in Saaka loo diiday inuu ka dhoofo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho xilli uu kusii jeeday degmada Garbahaarey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Waxaa uu sheegay inay tahay markii Afaraad ee loo diido garoonka ka dhoofa, islamarkaana falkaasi kuu u eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya iyo taliye ku xigeenka hay’adda nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya Cabdullaahi Kulane.

Arintaan ayaa ku soo aadaysaa ayadoo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo Xafiiskiisa ku qaabilay guddiga dib u heshiisiinta gobolka Gedo ee ka socday maamul goboleedyada kana dhagaystay warbixin ku saabsan wixii u soo qabsoomay muddadii ay joogeen magaalada Garbahaarey ee caasimadda gobolka Gedo sidoo kalena uu bixiyay amar la Xiriira inaan Cidna loo diidi Karin inay Garoomada ka dhoofto.
Rw Rooble ayaa sheegay inay soo gaareen warar la xiriira dad Muwaadiniin oo ay ku jiraan siyaasiyiin iyo shakhsiyaad kale oo loo diiday inay u dhoofaan gobolka Gedo, isagoo ku amray hay’adda Nabad-sugidda ee NISA iyo Ciidamada boolisku inaysan qofna ka celin karin halka ay uu u dhoofayo.
Gaar ahaan Ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay inaanan loo diidi Karin dadka ka dhoofaya Garoomada Muqdisho,Garbahaareey iyo Kismaanyo ama kuwa ka soo dagaya Saddexdaas Madaar.
Waxaa Hoosta ka Xariiqay in Talaabo Sharciga Waafaqsan laga qaadi doono Cidkasta oo falkaas Samaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments