Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Ururka qareenada ee LSK oo laga hor istaagay inuu beddelo xoghaye ku...

Ururka qareenada ee LSK oo laga hor istaagay inuu beddelo xoghaye ku xigeenka

Maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ayaa ururka qareenada wadanka ee LSK u diiday inuu qabto codsiyada la xiriira shaqaaleysiinta xoghaye ku xigeen cusub.
Garsoore Maureen Onyango ayaa sheegtay in aan Florence Wairimu oo hadda xilkan hayso la beddeli karin ilaa iyo inta laga soo gabagabeynaya dacwad maxkamadda hor taalla.
Waxaa maxkamadda dacwadda gaysay Wairimu iyadoo dalbatay in LSK laga hor istaago qorshaha xilka looga qaadaya.
Waxay sheegtay in loogu goodiyay in aan mushaar la siin doonin sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in waaxda garsoorka ay amar dul dhigto madaxa ururka qareenada Nelson Havi iyo ku xigeenkiisa.
Kiisaskan ayay mar kale maxkamaddu dhagaysan doontaa 27-ka bishan Toddobaad iyadoo fursad la siinaya dhinacyada kala duwan.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments