Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Raphael Tuju:Wax wayn ma aha in aan ku guulaysan doorashadii Kiambaa

Raphael Tuju:Wax wayn ma aha in aan ku guulaysan doorashadii Kiambaa

Xoghayaha guud ee xisbiga talada wadanka haya ee Jubilee Raphael Tuju ayaa sheegay in aynan arrin aad u wayn oo lagu mashquulo ahayn in guul darro ay uga soo hooyatay loolankii siyaasadeed ee deegaanka Kiambaa ee ismaamulka Kiambu oo ay 15-kii bishan doorasho ku celis ah ka dhacday.
Waxaa codeyntaasi ku soo baxay musharaxii xisbiga UDA John Njuguna ka dib markii uu helay codad gaaraya 21,773 halka Kariri Njama oo matalayay Jubilee uu soo hooyay 21,263 oo codad ah.
Guul darradaasi ayaa sababtay in loo fasirto in Jubilee ay luminayso taageeradii siyaasadeed ee ay ku lahayd gobolka bartamaha dalka.
Hasa ahaate Mr. Tuju oo u warramay KTN ayaa xusay in marka doorasho ay dhacdo guul iyo guul darro labaduba ay jiraan sidaas awgeedna aynan sax ahayn in UDA ay hadda saameyn xooggan ku leedahay gobolkaasi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments