Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha Galmudug oo Safar Deg Deg ah ku Tagay Deegaan Shabaab Lagala...

Madaxweynaha Galmudug oo Safar Deg Deg ah ku Tagay Deegaan Shabaab Lagala Wareegay

Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaallacyo ayaa safar deg deg ah ku tegay furimaha dagaalka, gaar ahaan aaga deegaanka qaycad ee Gobolka Mudug, halkaasoo ay la wareegeen Ciidanka Xoogga Soomaaliya.
Madaxweyne (Qoor Qoor) oo lahaa Amarka howlgallada ay wadaan Ciidamada Dowlada ayaa halkaasi u tegay dhiirigelinta Ciidamada iyo sidii ay ku sii socon lahaayeen howlgalla ka dhanka ah Al-Shabaab.
Sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa kulan la Qaatay Saraakiisha kala Ciidamada, isagoo kala hadlaya sidii loo dardar gelin lahaa howlgallada si ay ula wareegaan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, oo ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab.
Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa la filayaa inuu booqdo degaannada kale ee Gobolka Mudug, oo Ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay ka wadaan howlgal ka dhan ah Al-Shabaab.
Alshabaab ayaa jab xooggan kala kulantay Ciidamada huwanta ah ee qaranka iyo kuwa Galmudug ,ayadoo maalintii Dorraad ahayd duqayn xooggan oo dhanka cirka ah ay Fuliyeen Ciidamada Maraykanka, waxayna wararku sheegayaan in dagaalameyaaasha Al-shababa ay bilaabeen inay furimaha kala duwan isku soo dhiibaan, qaar kalena lagu Qabtay deegaamo badan, halka dhanka kalena ay ciidamada huwanta ahi ay magaalooyin iyo Goobo istiraatiiji ah ku sii si qayaan sida lagu Yiri War kasoo baxay Wasaarada Amniga Galmudug.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments