Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya oo gaaray degmada Warsheikh

DHAGEYSO:Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya oo gaaray degmada Warsheikh

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed & Xasan Sh Maxamuud ayaa waxaay Maanta gaareen degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe waxayna u sii Gudbeen degmada Cadalle ee isla gobolkaasi Shabeelada dhexe.
Madaxweynayaashaan hore oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho ayaa waxay safar dhinaca dhulka ah ku tageen degmada Warsheekh, iyadoo Halkaas ay ku soo dhaweeyeen masuuliyiinta Maamulka degmada & qeybaha kala duwan ee Bulshada waxayna u sii gudbeeen Cadalle.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Hir-Shabeelle Cali C/laahi Xuseen Guudlaawe ayaa isna shalay gaaray degmada Cadale, waxaana wararka la helay ay sheegayaan in mas’uuliyiintaan ay halkaasi u tagayaan sidii loo xalin lahaa Cabasho ka timid dadka degaankaas, oo sheegay inaysan wax matalaad Golaha Shacabka ah ka helin Baarlamaanka Soomaaliya.
Degmada Cadale ee Gobolka Shabeelada dhexe ayaa ka mid ah magaalooyinka ugu Qadiibsan dalka Soomaaliya waana Magaalo Xeebeed kulaalaysa Badweyne Hindiya lkn dhanka kale waxaa ka Jirta Dhibaatooyin Caafimaadka waxbarasho iyo mid Jidadka ah oo ay Cabasho weyn ka muujinayaan dadka deegaanka.
Sidoo kale Magaalada Cadale malahan Garoon diyaaradeed dadka ayaana dhib ku qaba safarada dhanka dhulka Maadaama ay dhul Bacaada ah tahay Cadalle,sidoo kalen Biyo Nadiif ah,Waxbarasho iyo Caafimaad ayay Codsanayaan dadka Reer Cadalle iyo inay helaan Matalaada Golaha shacbiga Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments