Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Agaasimaha waaxda duulimaadka dalka oo ka hadlay diyaarad maanta dhacday

Agaasimaha waaxda duulimaadka dalka oo ka hadlay diyaarad maanta dhacday

Agaasimaha guud ee hay’adda duulista rayidka ee dalka ee KCAA Gilbert Kibe ayaa xaqiijiyay wararka ku saabsan diyaarad maanta ku dhacday magaalada Ceelwaaq ee Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in rakaabkii saarnaa diyaaradda oo tiro ahaan dhan 45 qof ay dhammaantood badqabaan .
Diyaaradda oo ay leedahay shirkadda Skyward ayaa saaka ku dhacday magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Soomaaliya ka dib markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu caga dhigtaan.
Waxaa ay ka duushay gagida diyaaradaha ee Wilson ee magaala madaxda wadanka iyadoo siday dad tacsi u socday.
Wararka qaar ayaa sheegaya in diyaaradda ay u socotay magaalada Ceelwaaq ee ismaamulka Mandera.
Waxaa soo baxaya warar kale oo tilmaamaya in diyaaradda ay si qaldan ugu degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada Ceelwaaq Soomaaliya ka dib markii ay cillad farsamo ku timid.
Wixii ku soo kordho wararka dambe ee idaacadda ayaad ku dhageysan doontaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments