Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Aabaha Caroline Kangogo:Gabadheyda waa ay is dishay

DHAGEYSO:Aabaha Caroline Kangogo:Gabadheyda waa ay is dishay

Aabaha sarkaal boolis ahayd oo ka dib markii 10 cisho la raadinayay la arkay meydkeeda laguna magacaabi jiray Caroline Kangogo ayaa xaqiijiyay in gabadhiisa ay gacanteeda isku dishay.
Barnabas Kibor ayaa sheegay in Caroline ay xilli habeen ah tagtay gurigooda oo ku yaalla ismaamulka Elgeyo Marakwet iyadoo soo raacday mooto.
Waxaa uu carrabka ku dhuftay inay gashay suuliga ka dibna ay hoosta ka soo xiratay iyadoo ugu dambeyn halkaasi isku dhex toogatay
Barnabas oo qudiisa ah sarkaal boolis oo howlgab noqday ayaa sheegay inuu hayo caddeeyn ku aaddan in gabadhiisa la geeyay guriga iyadoo nool.
Waxaa uu intaa ku daray inuusan hubin eedeynta loo jeediyay gabadhiisa ee ah inay labo qof ku kala dishay ismaamullada Nakuru iyo Kiambu.

Iyadoo la filayo in meydka Caroline Kangogo qaallin baaritaan ah lagu sameeyo ayay qoyskeeda isku diyaarinayaan inay aasaan sabtida soo socoto.
Waaxda dambi baarista dalka ee (DCI) ayaa sheegtay in baarayaal loo diray ismaamulka Elgeyo Marakwet si ay daaha uga qaadaan qaabkii ay u geeriyootay haweeneydan oo ahayd 34 sano jir sidoo kalena laamaha ammaanka ka mid ahayd 13 sano.
Dambi baarayaasha ayaa eegaya farriin dheer oo la sheegay in haweeneydan ay reebtay ka hor inta aynan is dilin.
Warbaahinta Citizen TV ayaa ku warramaysa inay heshay farrintaasi oo ay Caroline Kangogo falka ay ku dhaqaaqday ay u aaneysay guur ka xumaaday taasoo kala gaysay iyada iyo qoyskeeda.
Farriinta waxay ku sheegtay in murugadu ay tahay arrin dhab ah sidaas awgeedna loo baahan yahay in la caawiyo dadka xaaladdan wajahaya.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments