Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Haweeney boolis ah oo la raadinayay oo is dishay

Haweeney boolis ah oo la raadinayay oo is dishay

Laamaha ammaanka ee dalka ayaa sheegay inay is dishay Caroline Kangogo oo ka mid ahayd booliska wadanka .
Maalmihii ugu dambeeyay ayaa la raadinayay Caroline oo loo haystay inay dishay labo qof.
Dilalkan ayay ka gaysatay ismaamullada Kiambu iyo Nakuru.
Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa laga soo xigtay inay saaka tagtay guriga waalidiinteeda oo ku yaalla ismaamulka Elgeyo Marakwet iyadoo musqusha dhexdeeda isku toogatay .
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegaya inay gacanta ku dhigeen qori la rumeysan yahay inuu yahay midkii ay nafteeda uga takhalustay.
Xubnaha qoyskeeda ayaa warbaahinta u sheegay inaysan jirin cid aragtay Caroline xilligii ay halkaasi tagaysay aroornimadii hore ee maanta.
Sidoo kale lama maqlin dhawaqa rasaasta balse hooyadeed ayaa xilli dambe aragtay meydka gabadheeda waxayna doonayaan in ciidamada ammaanka ay baaritaano dheeraad ah sameyaan.
Agaasimaha waaxda dambi baarista dalka George Kinoti ayaa nasiib darro ku tilmaamay in eedeysanaha ay in cadaaladda la marsiiyo ka door biday inay is disho.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments