Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Howlgal amni xaqiijin ah oo xalay laga fuliyay warta nabadda

DHAGEYSO:Howlgal amni xaqiijin ah oo xalay laga fuliyay warta nabadda

Ciidamada amniga gobolka Banaadir ayaa Habeenkii Labaad howlgal Amniga lagu sugayo ka Fuliyeen Degmooyinka qaar ee Caasimadda dalka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.
Howlgakii Xalay ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadaha ka tirsan degmada Warta Nabadda ee magaalada Muqdisho oo Labo Cesho ka Hor sidaan oo kale ay Ciidamada amaanku howlgalo uga fuliyeen.
Saraakiisha Howgalka Hogagaminaysa ayaa sheegay inay Gacanata ku soo dhigeen Labo qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Kooxa Nabad Diidka ah.
Waxaa ay Shacabka ka dalbadeen inay Ciidamada la shaqeeyaan.
Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Xaabseey oo ka dib markii howgalka la soo gabagabeeyay warbaahinta la hadashay ayaa sheegtay in ujeedka Howlgalku yahay sugidad amaanka degmada iyo guud ahaan Magaalada Muqdisho si Shacabka ay Nabad ugu noolaadaan.
Waxaa ay Bulshada ka codsatay inay Ciidamada kala shaqeeyaan Xaqiijinta amaanka ayadoo Ciidanka Howlgalka ku jiraan Fartay inaysan Wax dhibaato ah Shacabka u gaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments