Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray ka Hortaga Walxa Maanka Dooriya

Maamulka Gobolka Banaadir oo ka shiray ka Hortaga Walxa Maanka Dooriya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa xarunta Dowlada Hoose ee Xamar kulan aan caadi aheyn kula qaatay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka.
Kulanka waxaa looga hadlay Wecyigelinta Bulshada, Sugida Amniga, ka hortaga Waxyaabaha Maanka dooriya iyo Bilicda Magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa la isla gartay in Guddiyo heer kala gedisan loo xilsaaro Wacyigelinta, Ka hortaga mukhaadaraadka iyo sugida Amniga Shacabka kuwaasoo todobaadyada soo socda ka howlgali doonna Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud ee G/Banaadir, Guddoomiyaha Guddiga Abaabulka iyo Wacyigelinta Qaranka iyo Agaasimeyaal ka tirsan Dowlada Hoose ee Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments