Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maamul Cusub oo loo magacaabay Buulo-Burde

Maamul Cusub oo loo magacaabay Buulo-Burde

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle ayaa Gudoomiye Cuusb u Magacaabay degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan kaidb markii Gudoomiyihii degmadaas Shaqa jooojin lagu sameeyay.
Wareegto kasoo baxday Xafgiiska Wasiir Caadle ayaa waxaa Axmed Mahad Nuur loogu Macagaabay Gudoomiyaha Degmada Buulo Burde, kaas oo bedelaya Guddoomiyihii degmadaas Feysal Haajir Aadan oo maalmo ka hor uu Shaqa joojin ku sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed).
Wareegtada ayaa sidoo kale waxaa lagu faray dhamaan Hay’adaha Amniga iyo Shacabka degmada buulo-Burde inay la Shaqeyaan Guddomiyaha Cusub ee loo soo Magacaabay si uu u guto waajibaadkiisa Shaqo.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa degmada buulo-Burde ee Goblka Hiiraan waxaa ka taagneyd xiisad ka dhalatay Shaqa joojin lagu sameeyay Guddoomiyihii degmada Buulo-Burde iyo kuxigeeniisa, iyada oo Odayaasha Dhaqanka degmada ay ku eedeeyeen Madaxda Hir-Shabeelle inay khalalaaso ka abuurayaan degmada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments