Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Garsoorayaasha maxkamadda deegaanka oo isku shaandhayn lagu sameeyay

Garsoorayaasha maxkamadda deegaanka oo isku shaandhayn lagu sameeyay

Madaxa cadaaladda ee wadanka Mrs. Martha Koome ayaa goobihii ay ka shaqeynayeen ka wareejisay 18 ka mid ah xaakiinada maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee (ELC) .
Waxay sidoo kale howlgelisay 18 garsoorayaal ah oo dhawaan la magacaabay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in garsoore Bernard Eboso oo gacanta ku hayay dacwad ku saabsan maqaaxida Weston in laga wareejiyay maxkamadda Milimani ee Nairobi oo la geeyay Thika.
Maxkamadda arrimaha deegaanka iyo dhulalka ee Thika waxaa hadda ka dib ka shaqeyn doono labo garsoore oo kala ah Bernard Eboso iyo Grace Kemei oo laga soo qaaday Murang’a waxaana beddeshay Lucy Gacheru.
Madaxa cadaaladda ee dalka ayaa 4 ka mid ah 18-ka garsoorayaal ee dhawaan la magacaabay gaysay maxkamadda Milimani waxayna kala yihiin David Mwangi Mugo, Mboya Oguttu, Edward Wabwoto iyo Jackline Mogeni.
Martha Koome ayaa ujeedada laga leeyahay isbeddelladan ku sheegtay wanaajinta adeegyada ay maxkamaduhu u fidiyaan kenyaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments