Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Howlgalo Culus oo Koonfurta Gobolka Mudug ka Bilowday

DHAGEYSO:Howlgalo Culus oo Koonfurta Gobolka Mudug ka Bilowday

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya oo ay wehlinayaan Daraawiishta Maamulka Galmudug ayaa howlgallo ka bilaabay Koonfurta gobolka Mudug oo dhawaan dagaalo Xooggan ay ka dhaceen.
Ciidamadaan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa waxaay howlgallada ka wadaan duleedka deegaanada Dhaghaye iyo Hareeri dheere.
Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay sidii ay amniga degaannada Koonfurta Gobolka Mudug u xaqiijin lahaayeen halkaas oo dhaq dhaqaaqyo ay ka wadaan Al-Shabaab.
Sidoo kale saraakiisha waxaay sheegeen in qorshahoodu yahay sidii degaannada Koonfurta Gobolka Mudug ay uga saari lahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo dhowr jeer weeraro ka geystay.
Howlgalkan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ka bilaabeen Koonfurta Gobolka Mudug ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay ay halkaasi ka dhacayeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidanka dowladda,Daraawiishta Galmudug oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.
Dhanka kale qaar ka mid shacabka Ku nool Gobolka Mudug ayaa Taakulayn waxayn gaadhsiiyeen Ciidamada Amaanka Maamula Puntland gaar ahaan kuwa Howlgalada Gaarka ah ka Wada deegaanada ka Tirsan Gobolkaasi mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments