Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Booliska oo gacanta ku haya nin loo haysto dilka laba carruur ah

Booliska oo gacanta ku haya nin loo haysto dilka laba carruur ah

Ciidamada booliska ayaa gacanta ku haya nin 20 sano jir ah oo laga shakisan yahay dilka laba carruur oo meydkooda laga helay aaga Kabete ee ismaamulka Nairobi.
Waxaa ay labada carruur da’adooda u dhaxeysa 13 sano iyo 12 sano.
Charles Opindo Bala ayaa la waayay 30-kii bishii hore halka Mutuku Musyoka asna la waayay 8-dii bishaan.
Waxaana markii la waayay carruurta ay ku sugnaayeen xaafadda Shauri Moyo oo ka tirsan deegaanka Kamkunji.
Eedeysanaha oo lagu magacaabo Milimu Wanjala ayaa laga soo qabtay xaafadda Shauri Moyo ayaa booliska geeyaay goobta meydka labada carruur laga soo helay ee Kabete.
Meydadka ayaa loo qaaday goobta lagu dhigo meydadka, iyadoo ay booliska bilaabeen baaritaano la xiriira arrinkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments