Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Diyaarad shil ku gashay Naivasha

DHAGEYSO:Diyaarad shil ku gashay Naivasha

Wararka naga soo gaaraya ismaamulka Nakuru gaar ahaan magaalada Naivasha ayaa sheegaya in halkaasi uu ka dhacay shil diyaaradeed.
Duuliyihii diyaaradda ayaa shilka ka badbaaday halka gacan yarihiisi uu dhintay.
Diyaaradda ayaa soo dhacday xilli ay maraysay keynta Eburru waxaana loo aaneynayaa cimillada oo aan wanaagsanayn.
Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka Wilson ee magaalada Nairobi waxayna ku wajahnayd magaalada Lodwar ee Turkana si ay u buufiso Ayaxa dhibaateynaya beeralayda.
Taliyaha booliska ee ismaamulka Nakuru Beatrice Kiraguri ayaa dhacdadan faahfaahin ka bixisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments