Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo lagu dilay dalka Koonfur Afrika

Waxaa xalay ilaa maanta gudaha dalka Koonfur Afrika siyaabo kala duwan loogu dilay muwaadiniin Soomaaliyeed oo kamid ahaa kuwa Ganacsi ahaan u tegay dalkaas kana Shaqeeysanayay.
Afar Muwaadin Soomaliyeed ayaa ku dhintay rabashado ka dhan ah Ajaanibta ee ka socda dalka Koonfur Afrika, waxaana dhammaan ay ahaayeen muwaadiin halkaasi ku leh goobo ganacsi.
Muwaadiniinta Soomaaliyeed la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Mahamud Qoojo, Seerjaan , Mahad iyo Gosar Ganey .
Todobaadyadii la soo dhaafay ayaa waxaa dalka Koonfur Afrika joogto ka noqday dilalka loo geeysanayo Soomaalida, waxaana labadii todobaad ee la soo dhaafay dalkaas lagu dilay ku dhawaad 10 Dhalinyaro Soomaali ah, iyada oo dilalkaas ay geystaan Burcad Koonfur Afrikan ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments