Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo Baydhabo dib ugu laabtay

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo Baydhabo dib ugu laabtay

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo wafdi uu hogaaminayo oo Safar ugu Maqnaa Dalka Nigeria ayaa manta dib ugu laabtay Magaalada Baydhyabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Laftagareen ayaa dalka Nigeria u tegay Casuumaad uu ka helay Madaxweynaha ismaamulka Kaduna, waxana mudadii uu halkaas ku sugnaa Saxiixay heshiis is afgarad oo ku saabsan,Wadashaqaynta labada dhinac,Iskaashi iyo Mataaneyn Labada Maamul Goboleed.
Sidoo kale Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay shirka Gollaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Kaduna ee Dalka Nigeria,isagoo ka warbixiyay xaalada dalka Soomaaliya.
Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa waxaa la Filayaa inuu todbaadkaan uga warbixiyo golihiisa Wasiirada shirarkii uu kaga qeyb galay dalka Nigeria.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments