Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya DHAGEYSO:Golaha talasiinta muslimiinta dalka oo ka soo hor jeestay in haweeney ay...

DHAGEYSO:Golaha talasiinta muslimiinta dalka oo ka soo hor jeestay in haweeney ay qaadi noqoto

Golaha qaran ee ka talo-bixiya arrimaha islaamka ee KEMNAC ayaa gaashaanka u daruuray soo jeedinta ah in xilka qaadiga guud ee Kenya loo dhiibo haweeney.
Guddoomiyaha golahan Sheekh Juma Ngao ayaa xusay in arrinkaasi uunan waafaqsanayn diinta islaamka sidaas awgeedna aan lagu tallaaba qaadi karin.
Waxaa uu cadeeyay in hadii haweenka ay doonayaan in ay ku biiraan maxkamadaha caadiga ah ee dalka aynan jirin cid ka hor taagan balse wixii ku saabsan xukun ku saleysan diinta islaamka aanan marnaba loo oggolaan doonin maadaama shareecada aynan u fasaxin.

Shir jaraaid oo ay KEMNAC qabatay ayuu sheekh Juma Ngao sidoo kale faahfaahin kaga bixiyay sababaha qof dumar ah aynan qaadi u noqon karin.

Sheekh Camiir Zaani oo ka mid ah culimada gobolka xeebta ayaa dhankiisa wacad ku maray in ay habaari doonaan shakhsiyaadka arrinkan u ololeynaya isaga oo ku boorriyay in ay ka tanaasulaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments