Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Caalamka Taliban oo la wareegtay magaalooyiin muhiim ah ee dalka Afghanistan

Taliban oo la wareegtay magaalooyiin muhiim ah ee dalka Afghanistan

Kooxda Taliban ayaa sheegtay inay la wareegeen gacan ku haynta boqolkiiba 85 dhulka dalka Afghanistan.
Waxaa ay sheegeen inay qabsadeen marinada waaweyn ee xadka ay la wadaagaan Iiran iyo Turkmenistan ka dib howlgalo balaaran oo ay ka wadeen waqooyiga Afghanistan, sida ay saraakiishu sheegeen.
Taliban waxay sheegeen inay qabsadeen laba magaalo oo muhiim ah oo kala ah Islam Qala oo u dhaw Iran, iyo Torghundi oo ku taalla xudduuda Afqanistaan iyo Turkmenistan.
Saraakiisha Afghanistan waxay qireen in lagala wareegay Islam Qala iyo Torghundi, oo labaduba ku yaal gobolka Herat.
Taliban ayaa si xawli ah dib ugula wareegeysa dhul badan oo Afghanistan ku yaalla, xilli Mareykanka uu ciidamadiisa kala baxayo dalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments