Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya SAWIRRO:Khasaaro ka dhashay qarixii Muqdisho

SAWIRRO:Khasaaro ka dhashay qarixii Muqdisho

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qarax Is-miidaamin ah oo barqanimadii maanta lagu weerarray taliyaha ciidanka booliska bobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, kaasi oo ka dhacay degmada Hodan.
Ugu yaraan shan qof ayaa ku geeriyooday, halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qaraxas oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.
Taliyaha booliska gobolka Banaafir Farxaan Maxamuud Qaroole ayaa ka badbaaday qaraxa oo jugtiisa si weyn looga maqlay degmooyinka magaalada Muqdisho, waxaana aaga uu qaraxu ka dhacay xiray ciidanka booliska ee Haramcad.
Dadka dhaawacmay ayaa la geeyay xarumo caafimaad oo ku yaalla magaalada, kuwaasi goobta qaraxu ka dhacay looga daad gureeyay gaadiidka furmadka deg dega ah, iyadoona halkaas qaaday meydadka dad geeriyooday.
Dab xooggan oo ka dhashay qaraxa ayaa qabsaday gaadiid u badan mooto Bajaajyo marayay wadada, xilligii uu qaraxu dhacayay, waxaana sawirro laga soo qaaday goobta ay muujinayeen saameynta uu geystay qaraxaas oo ahaa mid culus.
Dhanka kale qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in qaraxa uu ka badbaaday taliyaha, balse uu khasaaro ku reebay dhismayaasha ku yaal Isgoyska Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments