Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo maanta socdaal ku tagaya ismaamullada bariga Kenya

Madaxweynaha dalka oo maanta socdaal ku tagaya ismaamullada bariga Kenya

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa inuu maanta ismaamullada Machakos iyo Makueni ee gobolka bari uu ku tago socdaal rasmi ah
Socdaalkan ayaa horay dhowr mar la hakiyay.
Wararka ayaa intaa ku daraya in saraakiil kooban oo ka tirsan dowladda dhexe ay wehelin doonaan madaxweynaha si loo xakameeyo faafitaanka cudurka COVID19.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka indhaindhayn doonaa mashaariicda horumarineed sida dhismaha magaalada casriga ee Konza ee Machakos iyo biyo xireenka Thwake oo ku yaalla ismaamulka Makueni.
Madaxtooyada dalka looga arrimiyo ee State House ayaa sheegtay in Mr. Kenyatta uunan maanta tagi doonin ismaamulka Kitui maadaama uu halkaasi ku sugnaa 25-kii bishii lixaad ee sanadkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments