Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya DHAGEYSO:Axmad Madoobe oo Rooble la wadaagay baahiyaha ciidanka

DHAGEYSO:Axmad Madoobe oo Rooble la wadaagay baahiyaha ciidanka

Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamed Islaam (Axmad Madoobe) ayaa la wadaagay ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble Baahiyaha ay qabaan Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed qaybta 43-aad ee Ku sugan Gobolka Jubbada Hoose.
Axmad Madoobe ayaa sheegay in Muddo sanada ah Ciidamadaan aysan Helin Daryeel Wanaagsan iyo Xaquuqdii ay dowladda ku lahaayeen oo uu qalabka lagu dagaalamo ugu horreeyo sidoo kalena qaarkood aysan mushaar Helin sida uu sheegay.
Madaxweynaha Maamulka jubaland ayaa Tilmaamay in la siyaasadeeyay Howla Ciidanka Taliyeyaasha kala duwan ee Soomaray Ciidamada Xooggana uu marar badan kala hadlay sidii ay Xaquuqdooda ku heli lahaayeen Ciidamad ku sugan deegaanada Jubbaland Balse aysan waxba ka soo kordhin.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble oo booqday Fariisimaha Ciidanka Xoogga dalka qaybta 43-aad ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegay inay Xukuumaddiisu xil gaar ah iska saari doonto sidii loo Xallin lahaa Daruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan Ciidamada
Taliska qaybta 43-da ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa ka Howlgalaa deegaanada Maamulka Jubbaland.
Waxaa ayna Xaruntoodu tahay Magaalada Kismaanyo ee Gobolka Jubbada hoose.
Dhanka kale ra’iisul wasaaraha ayaa warbixino laga Siiyay Xaaladda Saxda ah ee ay Ciidamadaasi ku shaqeeyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments