Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Maxkamadda Puntland oo xukun dil ah ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Puntland oo xukun dil ah ku riday rag ka tirsan Al-Shabaab

Maxkamadda Darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ee Gobolada Mudug iyo Cayn ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntey 8 rag oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab.
Sida ay sheegtay maxkamadda, raggan ayaa ku eedeysnaa inay ahaayeen koox dilal iyo qaraxyo ka geeysan jiray magaalada Galkacyo gaar ahaan dhinaca Galmudug.
Garsooraha Maxkamadda ayaa sheegay in kadib markii loo helay cadeeymo raggaan iyo markhaatiyal lagu riday xukun dil toogasho ah, hayeeshee ay heystaan inay racfaan ka qaataan Xukunka.
Puntland ayaa todobaadkii hore waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay 21 rag ah, kuwaas oo 18 kamid ah toogashadooda ka dhacday Magaalada Gaalkacyo halka Saddexda kale lagu kala toogtay Magaalooyinka Garoowe iyo Qardho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments