Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Maxkamadda oo go’aan ka soo saari doonto in 14 maalmood xabsiga lagu...

Maxkamadda oo go’aan ka soo saari doonto in 14 maalmood xabsiga lagu sii hayn doono eedeysane isa soo dhiibay

Maxkamad ku taalla Nairobi ayaa berri go’aan ka gaari doonta in 14 maalmood ay laamaaha ammaanka xabsiga ku sii hayn doonaan eedeysane loo haysto inuu dhawaan toogasho ka gaystay goob lagu caweeyo oo loo yaqaano Quiver Lounge oo ku taalla deegaan baarlamaneedka Kasarani ee ismaamulka Nairobi.
Eedeysnaha oo lagu magacaabo Dickson Njanja Mararo ayaa waaxda dambi baarista dalka DCI-da sheegtay inuu shalay isku dhiibay laamaha ammaanka.
Mararo ayaa tagay xarunta dhexe ee dambi baarista isagoo uu wehelinaya qareenkiisa Cliff Ombeta.
Falkan ayuu ku kacay habeenimadii ay Sabtidu soo galaysay waxaa uuna dhuumaaleysanayay tan iyo xilligaasi.
Waxaa uu halkaasi ku dhaawacay saddex qof oo labo ka mid ah ay yihiin boolis.
Waxaa uu saaka ka soo hormuuqday maxkamadda, iyadoo baarayaasha kiiskan ay codsadeen wakhti dheeraad si baaritaanada arrinkan ku aaddan loo soo dhameystiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments