Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Kenya Sarkaal beeniyay inuu haweeney ka tuuray qaybta afaraad ee dabaqa oo xabsiga...

Sarkaal beeniyay inuu haweeney ka tuuray qaybta afaraad ee dabaqa oo xabsiga lagu hayo

Waxaa lagu soo warramaya in xabsiga loo taxaabay sarkaal ka tirsan waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da, ka dib markii lagu eedeeyay in gabadh ay saaxiibo ahayeen uu ka tuuray balakoonka dabaqa afaraad ee dhismo ku yaallo xaafadda Ngumba ee magaaladatani Nairobi.
Wararka ayaa intaa ku daraya in haweeneyda oo geeriyootay lagu magacaabi jiray Jackline Muthoni.
Dhacdadan ayaa la soo tabiyay shalay, iyadoona sarkaalkan la geeyay xarunta dhexe ee waaxda DCI-da, waxaana markii dambe lagu wareejiyay maamulka saldhigga booliska ee deegaanka Kasarani.
Bayaan ay soo saartay waaxda dambi baarista ayaa lagu sheegay in Kevin Amwayi oo sarkaal booliis ah uu beeniyay inuu Jackline Muthoni uu ka tuuray balakoonka.
Waxaa uu ku andacooday inay ayada iska soo tuurtay qaybta afaraad ee dabaqa.
Eedeysanaha ayaa intaa ku daray in gabadha ay isbarteen maalmo ka hor.
Hasa yeeshe qoyska haweeneyda geeriyootay ayaa sheegashadaasi beeniyay.
Sarkaalka ayaa lagu wadaa inuu wajaho eedeymo la xiriiira dil, iyadoona ay kiiskan la wareegtay waaxda DCI-da u qaabilsan dilalka.
Waxaa lagu wadaa in baaritaan lagu sameeyo meydka haweeneydan maanta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments