Nairobi 105.9 Mombasa 103.5 Mogadishu 97.0 Garissa 97.1 Kismayu 89.5
Wajir 97.3 Isiolo 92.5 Mandera 97.5 Moyale 87.9 Masalani 97.1
Marsabit 87.7 Balambala 97.1 Laisamis 87.7 Dadaab 97.1 Habasweyne 97.3
Home Wararka Soomaaliya Kulan looga hadlayay arrimaha amniga oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Kulan looga hadlayay arrimaha amniga oo ka dhacay magaalada Beledweyne

Waxaa maanta Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan kulan ku yeeshay wasiirka amniga maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre iyo saraaskiisha hay’adda amniga Hirshabelle.
Kulankaan ayaa looga hadlayay arrimaha amniga iyo xasilinta Magaalada, waxaana warbixino looga dhageystay saraakiisha ciidanka ee ka howlgala gobolka Hiiraan.
Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa diirada lagu saaray shaqaaqadii ka dhacday magaalada Beledweyne iyo sidii looga gudbi lahaa xiisada ka jirtay magaaladani.
Kulanka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli maalin ka hor uu dagaal ku dhexmaray magaalada Beledweyne ciidamada ammaanka iyo maleeshiyaadka Janeraal Xuud uu hoggaamiyo, kuwaas oo ka soo horjeedo hoggaamiyeyaasha Maamulka Hir-Shabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Most Popular

Recent Comments